Home Blog wararka-somalida doorashada qof iyo cod oo ka hir gasha putland
Home Blog wararka-somalida doorashada qof iyo cod oo ka hir gasha putland

doorashada qof iyo cod oo ka hir gasha putland

 

Dadka ayaa safaf dhaadheer u galay si ay codkooda u dhiibtaan



Saddexda gobol ee Puntland ayaa maanta markii ugu horeysay ka dareeray goobaha codbixinta doorashada goleyaasha deegaanka.

Dowladaha Hoose ee maanta la dooranayo ayaa kala ah Eyl, Qardho iyo Ufeyn.

Doorashadan tijaabada ah, waxay dadku ka codayn doonaan golayaasha deegaanka ee saddexda degmo.

Dhinaca kale ammaanka degmooyinkaasi ayaa si weyn loo adkeeyay, waxaana la xadiday isu socodka dadka iyo gaadiidka.




Doorashadan ayaa waxaa u codeynaya 8 urur siyaasadeed oo ku tartamay golayaasha deegaanka ee saddexda degmo, waxayna hordhac u tahay doorashada guud ee ka dhici doonta degmooyinka Puntland markii ugu horeysay.


Halkan waxaa ah afar arrimood oo ay tahay in laga ogaado doorashadan

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo maanta codkiisa dhiibtay


Tirada isku diiwaangelisay

Guud ahaan waxaa doorasahda isu diwaan geliyey saddexda degmo dad gaaraaya 46,839. Qardho waxaa iska diwaan geliyey 25,405 qof, waxaa kaarka codbixinta qaatay 20,620.

Ufayn waxaa iska diwaan geliyey 9,964 waxaana kaarka codbixinta qaatay 8,287 qof.

Eyl waxaa iska diwaan geliyey 11,470 waxaan kaarka codbixinta qaatay 8,671. Dadku wax ay codkooda ka dhiiban doonaan in kabadan 50 goobood oo saddexda degmo ku kala yaalla, waxaan ka hawl gelaaya 350 shaqaalaha doorashada ah.


Puntland oo 22 jirsatay ayaa ah markii ugu horeysay ee la qabto doorashada dowladaha hoose, iyadoo qorshuhu yahay in la dhameystiro dhammaan degmooyinka Puntland.


Codbixinta waxaa samayn kara qof kasta oo is-diiwaangeliyay oo qaatay kaadhka codbixinta oo sax ah. Dadka ku nool miyi iyo magaalaba ayaa doorashadan ka qayb qaadan doona, iyadoo dadka aan wax akhriyi karin la bari doono habka wax loo dooranayo.

Comments

You May Also Like