Home Blog wararka-somalida Waa kuwee madaxda Xamaas ee ay Israa’iil doonayso inay disho?
Home Blog wararka-somalida Waa kuwee madaxda Xamaas ee ay Israa’iil doonayso inay disho?

Waa kuwee madaxda Xamaas ee ay Israa’iil doonayso inay disho?

Waa kuwee madaxda Xamaas ee ay Israa’iil doonayso inay disho?


Xamaas ayaa qaaday mid ka mid ah weeraradii ugu khasaaraha badnaa ee abid ka dhaca Israa’iil. Maalintii afraad ee weerarka, in ka badan 1500 oo Israa’iiliyiin ah ayaa lagu dilay, halka duqeynta Israa’iil ee Gaza ay ku dishay in ka badan 700 boqol oo Falastiiniyiin ah. Weerarada ay fuliyeen ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Xamaas ee loo yaqaano Qassam ayaa u muuqday kuwa qorsheysan oo wajiyo badan leh. Tobaneeyo nin oo hubaysan ayaa u muuqda inay Israa’iil ka soo galeen koonfurta oo ay weerareen askarta Israa’iil. Israa’iil ayaa si joogto ah u duqaysa marinka Qaza, waxayna jartay biyaha, korontada, cuntada iyo wax kasta oo ay magaaladu u baahan tahay bannaanka. Hogaamiyayaasha Israa’iil ayaa sheegay in ay ka aargoosan doonaan weerarka Xamaas ee lagu bartilmaameedsaday madaxda kooxda.


Yaxya Sinwar, Guddoomiyaha Xamaas ee Gaza

Ismail Haniyah, the leader of Hamas {right} and Yahya Sinwar, the leader of Hamas in Gaza

Waa ninka loogu doonista badan yahay Israa'iil. Yahya Sinwar waa hoggaamiyaha Xamaas ee Gaza, oo ah magaalo xeebeed go'doonsan oo ay ku nool yihiin in ka badan laba milyan oo Falastiiniyiin ah. Waxa ay Israa’iil ku tilmaantay hoggaamiyihii weerarka khasaaraha ugu badan geystay. Afhayeen u hadlay militariga Israa’iil, Daniel Hagari, ayaa sheegay in uu ahaa ‘nin dhintay’, isaga oo intaa ku daray in ay beegsan doonaan hoggaanka militariga iyo siyaasadda ee Xamaas iyo hantidooda.

Comments

You May Also Like